Ciidamada dowlada oo xoog ku joojiyay Munaasabad Ahlu Sunna ku qaban laheyd Dhuusomareeb

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta joojiyay munaasabad qado ah oo soo qaban qaabisay kooxda Ahlu Sunna, waxaana munaasabadan lagu soo dhaweyn lahaa Xildhibaanada Ahlu Sunna ka qaadatay Galmudug.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada amaanka ayaa waqrad amar ah geeyay goobta lagu qaban lahaa munaasabada lagu soo dhaweyn lahaa Xildhibaanada Ahlu Sunna magacyadooda dhawaan shaacisay.

Maamulka Hotelka lagu qabanayay munaasabada ayaa ku wargaliyay maamulka Ahlu sunna iyo dadkii kale ee ka qeyb gali lahaa munaasanada in la joojiyay kadib amar kasoo baxay laamaha amaanka ee magaalada Dhuusomareeb.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Ahlu Sunna magacawday oo goobta joogay ayaa ku eedeeyay laamaha amaanka in ay faragaliyeen munaaabada maanta ku qabsan lahaayeen magaalada Dhuusomareeb.

Waxa ay sidoo kale Xildhibaanada ku eedeeyeen guddiga farsaada Galmudug in ay faragalin ku hayaan Xildhibaanada Ahlu Sunna ku yeelatay Baarlamaanka, waxa ayna sheegeen Xildhibaanada in aysan waxba ka quseyn shuruudaha guddiga kasoo baxay .

Arintan ayaa kusoo aadeysa xili khilaaf uu ka dhashay sida Ahlu Sunna Xildhibaanada uga qaadatay Beelaha dega Galmudug, waxaana la sheegay in Ahlu Sunna ku xad gudubtay saamigii ay ku laheyd beelaha qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -